Wasiirka maaliyadda oo sheegay in la xakameyn karo deymaha ay dowladdu qaadato

Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka Mr. Ukur Yatani ayaa hoosta ka xarriiqay inuu jiro dadaal ku aaddan sidii lagu xameyn lahaa deymaha ay Kenya ka qaadato wadamada kale ee caalamka sida Shiinaha.
Arrinkan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu shalay baarlamaanka dalka ka hor akhriyay miisaaniyad sannadeedka 2020/2021-ka oo dhan 2.7 tiriliyoon oo shilin.
Waxaa uu Mr. Yatani intaa ku daray inuu qaatay go’aanno adag si uu isugu dheeli tiro dhaqaalaha loo qoondeeyay wasaaradaha iyo waaxyaha dowladda.
Wasiirka ayaa carrabka ku dhuftay inay xoogga saarayaan sidii dib loogu soo noleyn lahaa dhaqaalaha dalka oo saameyn ballaaran uu ku yeeshay cudurka sii faafaya ee Covid-19.
Baarlamaanka dalka ayaa loo qoondeeyay miisaaniyad dhan 37.3 bilyan oo shilin.
Waaxda garsoorka ee dalka waxaa loogu talagalay 18.1 bilyan halka xafiiska hanti dhowraha guud la siiyay 5.2 bilyan oo shilinka dalka ah.
Wasiirka maaliyadda ayaa qoondeynta miisaaniyadda ee la dhimay u aaneeyay culeys la xiriira cudurka dalka iyo dunidaba ka jiro, saameynta daadadka iyo Ayaxii ku degay qaar ka mid ah ismaamullada dalka.
Mr.Yatani ayaa sheegay in dowladda dhexe ay suurtagal tahay inay lumiso dhaqaale gaaraya 172 bilyan oo shilin.
Wasiirka ayaa dhanka kale carabaabay in diiradda la saarayo sidii deymaha shisheeye ee ay Kenya qaadato ay u noqon lahayeen kuwo muddo dheer lagu bixin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here