Wasiirka maaliyadda oo weli ku adkeysanaya arrin laga dalbaday ismaamullada

Sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Mr. Ukur Yatani ayaa sheegay inuunan weli wax iska beddelin go’aankii maalmo ka hor dowlad deegaannada looga dalbaday inay bixiyaan lacagaha deymaha ee lagu yeeshay.
Mr. Yatani ayaa hoosta ka xarriiqay in wasaaradda maaliyadda aynan dhaqaale ku wareejin doonin ismaamullada, wasaaradaha dowladda dhexe iyo waaxyaha hoos tago ee aan bixin lacagaha ka maqan qandaraaslayaasha u fidiyay adeegyo kala duwan.
Waxaa uu dhanka kale arrin loo riyaaqo ku tilmaamay in qaar ka mid ah dowlad deegaanada ay saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay ay bixiyeen in ka badan 30 bilyan oo deymo ah.
Sii hayaha xilka wasiirka maaliyadda ayaa sido kale sheegay in barasaabyada qaar ay isku dayayaan inay gudaan lacagaha ismaamulka ay hoggaamiyaan lagu yeeshay sannadkii hore balse ay fududeysanayaan kuwii 5 sano ka hor .
Dhawaan ayay ahayd markii hoggaamiyaha Kakamega ahna guddoomiyaha golaha ay ku mideysanyihiin barasaabyada ee COG Mr. Wycliffe Ambetsa Oparanya uu waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeeray wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi.
Matiangi ayaa maamullada dowlad deegaanada wadanka ka jiro ku dhaliilay inaynan daacad ka ahayn bixinta deymaha lagu leeyahay oo ayna taasi beddelkeeda dowladda dhexe u jeedinayaan eedeymo aan xaqiiqda ku saleysnayn.
Wasiirrada kala ah Fred Matiangi iyo Ukur Yatani ayaa xusay inuu jiro dhaqaale lagu bixin karo deymaha si meesha looga saaro hakadka ku yimid geedisocodka shaqooyinka qandaraaslayaasha.
Dr. Matiangi ayaa arrin caddaalad darro oo laga xumaado ku tilmaamay in qaar ka mid ah madaxda ismaamullada ay baabuur iyo waxyaabo kale iibsanayaan iyadoo ay jiraan dad ay ganacsato ka mid tahay oo shaqooyin u qabtay lacagihii ka baxayna aan weli la siin..
Waxaa uu xusay inay jiraan qaar ka mid ah barasaabyada oo ku andacoonaya in deymaha ay yihiin kuwo jiray xilligii guddoomiyihii ka horeeyay balse taasi aynan cudur daar noqoneyn.
Qandaraasleyda ayuu qaarkood sheegay inay ismaamuullada ku wareejiyeen waxyaabo ay ka mid yihiin ukummo, carro iyo qalabka dhismaha 2 ilaa saddex sano ka hor.
Fred Matiangi ayaa sido kale sheegay in wasaaradaha kala duwan ee dowladda dhexe ay adeegsan doonaan qaab kasta oo sharciga waafaqsan si cabashada qandaraasleyda ka soo yeereysa xal loogu helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here