Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la shiray Masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha Lacagta Aduunka

Sii hayaha Xilka wasiirka wasaarada maaliyadda ee xukumadda federaallka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa kulan fogaan arraga la qaatay xubno ka tirsan hay’addaha lacagta Aduunka ee IMF iyo bangiga aduunka waxaayna kaga wada-hadleen saameynta covid-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha dalka Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay shirkaan soo qaban qaabiyeen hay’adaha IMF iyo World Banka waxaana sidoo kale ka qeyb-galay wasiiradda Maaliyadda ee qaaradda Africa hase ahaate waxaa uga badnaan xoogga lagu saaray sidii qaaradda ay isaga kaashan laheyd ka hortagga saameynta uu ku yeshay dhaqaalaha Africa Cudurka covid-19.
Ugu dambeyn sii hayaha Xilka wasiirka wasaarada maaliyadda dowladda Fedraalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa u mahadceliyay labada hey’adood ee Lacagaha aduunka sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here