Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ururka Jaamacadda carabta kala hadlay Arrimaha deyn cafinta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in uu maanta kulan la yeeshay xubno ka socday ururka Jaamacadda carabta.
Kulankaan ayaa ku dhacay qaab dhanka internerka ah, waxaana Ururka Jaamacadda iyo Beyle ay ka wadahadleen arimaha horumarinta dhaqaallaha.
“Waxa aan maanta shir muhiim ah la yeeshay Ururka Jaamacadda Carabta oo aan ka wada hadalnay sidii ay nooga saamixi lahaayeen deymaha ay Soomaaliya ku leeyihiin” ayuu yiri Wasiir Beyle.
Waxaa uu intaasi kusii daray”Waxa aan aad ugu mahadcelinayaa Xoghayaha guud ee J.Carabta iyo dhamaan ka qeybgalayaashii shirka maanta, Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay xoojiso isbadalka Maaliyadda iyo horumarka dhaqaalaha dalka”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here