Wasiirka shaqaalaha dalka oo loo magacaabay ku simaha wasiirka malaiyadda dalka

Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Ukur Yatani ayaa madaxweyne Uhuru Kenyattta si ku meel gaar ah ugu magacaabey wasiirka Maaliyadda kadib markii dacwado lagu soo oogay wasiirkii xilkan hayay ee Henry Rotich.
Sido kale Dr Julius Monzi Muia ayaa noqon doono ku simaha xoghayaha wasaaradda maaliyadda dalka.
Shalay ayey ahayd markii Maxkamadda sare ee dalka ay damiin lacageed oo ah 15 milyan oo shilin ku siidaysay wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Mr. Henry Rotich iyo xoghayaha wasaaraddaasi Kamau Thugge oo ka mid ahaa eedeysanayaal gaaraya 28 oo lala xariiriyay fadeexadii muranka dhalisay ee biyo xireenada Arror iyo Kimwarer ee ismaamulka Elgeyo Marakwet.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here