Wasiirka shaqaalaha oo sheegay inay socdaan wada hadalo ku aaddan mushaar kordhin

Maalinkii shalay ahayd Kenyaan badan ayaa dowladda ka sugayay inay ku dhawaaqdo mushaar kordhin ay u sameynayso shaqaalaha kala duwan balse wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada Mr. Ukur Yattani ayaa hoosta ka xariiqay in taasi hadda aynan suurtagal ahayn.
Mr. Yattani oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sheegay inay socdaan wada hadalo ku aaddan in shaqaalaha dalka loo kordhiyo musharaadka ay bil waliba qaataan.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhawaan la shaacin doono natiijada ka soo baxdo wada hadalada lagu guda jiro.
Mr .Yattani ayaa sido kale sheegay in wasaaradda uu hoggaamiyo ay la timid tallaabooyin xal loogu helayo shaqa joojinta ay sameyaan shaqaalaha dalka iyagoo dalbanaya in mushaar kordhin loo sameeyo.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dalladda ay ku mideysanyihiin shaqaalaha wadanka ee (FKE) ay ka soo horjeesatay soojeedin ka timid ururada shaqaalaha ee COTU.
Xoghayaha guud ee COTU Mr. Francis Atwoli ayaa doonaya in dowladda ay shaqaalaha kala duwan u sameyso mushaar kordhin ah boqolkiiba 15.
Mr. Atwoli ayaa ku doodaya in haddii musharaadka shaqaalaha la kordhiyo boqolkiiba 15 dowladda ay u fududaan doonto inay dhaqangeliso mashaariicda dhanka guriyeynta ah.
Waxaa uu sido kale weli muran ka taagan tahay qorsho dowladeed oo ah in boqolkiiba 1.5 la dhimo musharaadka shaqaalaha.
Lacagtan ayaa la doonaya in lagu qarash geliyo qorsho dowladu ay ku dhiseyso guriyo taya ahaan wanaagsan qiimo macquul ahna ay dadweynaha ku degi karaan.
Waaxda dowladda dhexe u qaabilsan keydinta maclumaadka ee (KNBS) ayaa sheegtay in 7 milyan oo Kenyaan ah aynan shaqo haysan.
1.4 milyan oo tiradan ka mid ah ayaa si aad ah u raadinaya inay shaqo helaan .
Tiradan Kenyaanka ee maalinkii isticmaalo wax ka yar 200 oo shilin ayay waaxda KNBS tiradoodu ku sheehtay boqolkiiba 36.1 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here