DHAGEYSO:Wasiirka shaqaalaha Soomaaliya oo Madaxweynaha Puntland ka dalbaday inu Muqdisho tago.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha ee Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Sadiiq Xirsi Warfaa oo hadal ka jeediyey Shirka wadatashiga ee ka socda Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegay inay rajo ka qabaan inay wax wanaagsan kasoo baxaan Shirkaas oo ay isugu yimaadeen Hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee Shacabka deegaanada maamulka Puntland ku matala dowlada dhexe iyo maamulka intaba.
Wasiirka ayaa sheegay in iyaga oo Wasiiro dhowr ah oo ka socda Dowladda Federaalka ay shirkaasi uga qeybgaleen inay ogaadaan waxa ay Puntland ka tabaneyso dowladda Federaalka Soomaaliya si xal looga gaaro dhamaan madmadowga jira.
Wasiir Sadiiq ayaa hoosta ka xariiqay in ka badan 4 Wasiir iyo Wasiiru dowlayaal ka socda dowlada dhexe inay shirkaas goobjoog ka yihiin ayna shacabka Puntland ku metaal Dowladda Federaalka,ayagoo shirka Garowe u jooga inay dhagaystaan tabashada dadka Reer puntland.
Waxaa uu sidoo kale Wasiir Sadiiq Warfaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo Puntland uu rajeynayo in xal laga gaaro,waxaana uu ka codsadey Madaxweynaha maamulka Puntland inuu u raaco Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya si waxkasta oo jira loo xaliyo.
Ugu dambeyn waxaa uu soo hadal qaadey wasiir Sadiiq Warfaa in dowladda Soomaaliya ay sameysay dadaal farabadan,isla markaan aan laga cabsi qabin inay dalka ka dhici weyso doorasho qof iyo Cod ah,waxaana uu sheegay inay dhaceyso doorashadaasi xiligeeda.

 

Maanta ayaa waxaa Magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal lagu soo gabagabaynayaa shirka wadatashiga Puntland oo halkaas sadex Cishe ka socday waxaana Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland loo soo jeediyay inuu bilaabo talaabooyinka ugu horeeya ee lagu Xalinaya Tabashada ay ka qabaan madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo isna hadal ka jeedinayey xeritaanka shirka wadatashiga Puntland ayaa wuxuu baaq u direy Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Wasiirka oo sidoo kalena ah Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanaka Soomaaliya waxaa uu sheegay inuu ka codsanayo Madaxweynaha maamulka Puntland inuu Gogol nabadeed u dhigo Madaxda Dowladda Federaalka & Maamul gboleedyada si xal buuxa loo gaaro.
wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in Warmurtiyeedka kasoo baxaya Shirweynaha wadatashiga Puntland uu noqon doono mid soo afjara khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedayda qaarkood.
Khilaafka u dhaxeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa xoogeysatay dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland,waxaana dhowr mar lagu baaqay in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here