Wasiirka tacliinta oo jaamacadaha ka dalbaday inaynan furin laamo dheeraad ah

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maanta waxaa uu maamullada jaamacadaha wadanka ka dalbaday inaynan furin laamo dheeraad ah oo bixinaya culuunta kala duwan.
Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay inaynan wax micno ah lahayn in xarumo kale laga sameeyo qeybaha dalka ee ay jaamacado ku yaallan.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu magaaladatani Nairobi ku daahfuray shir soconaya muddo hal toddobaad ah oo lagu eegaya tacliinta xarumaha sare.
Waxaa shirkan si wadajir ah u soo qabanqaabiyay dowladda iyo bangiga adduunka.
Tan iyo sannadkii 2016-kii waxaa albaabada la isugu dhuftay 24 ka mid ah laamaha kala duwan ee jaamacadaha dalka kaddib markii su’aal la geliyay tayada koosaska ay bixiyaan.
Warbixin la soo saaray sannadkii hore ayaa lagu sheegay in gudaha wadanka ay ku yaallaan 74 jaamacadood oo ay wax ka dhigtaan arday dhan 542,005.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here