Wasiirka tacliinta oo mar kale ka hadlay imtixaannada qaran

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa mar kale sheegay in ilaa iyo hadda uunan jirin go’aan la qaatay oo ku aaddan in dib loo dhigo xilliga imtixaanaadka qaran ee shahaaddiga ah.
Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay inuu dareemayo walwalka ay waalidiinta muujinayaan balse uu ugu baaqayo inay isdejiyaan oo ayna la jaanqadaan dhibaatada jirta.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in hadda ardayda Kenyaanka ah ay qaab online ah casharadda ku qaadanayaan .
Sannad kasta ardayda fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare ayaa u fariista imtixaannada KCPE-da iyo KCSE-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here