Wasiirka tacliinta oo su’aalo laga weydiyay fasal dugsiyeed maalmo ka hor dumay

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maanta ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha waxbarashada.
Waxaa su’aalo laga weydiiyay dhacdo maalmo ka hor laga soo tabiyay deegaanka Dagoretti ee ismaamulka Nairobi taasi oo mid ka mid ah fasalada dugsiga Precious Talent Top School uu dumay.
Prof. Magoha ayaa carrabka ku dhuftay in baaritaano qoto dheer la sameynayo si arrintan looga sal gaaro oo loo xaqiijiyo badqabka carruurta kenyaanka ee wax ka barto dugsiyada kala duwan ee dalka.
Waxaa halkaasi ku dhintay 8 arday ah halka 64 kalena ay dhaawacmeen iyadoo siyaabo kala duwan looga hadlay dhibaatadaasi.
Shalay ayay ahayd markii xubnaha guddiga waxbarashada ay gaareen dugsigaasi iyadoo wasaaradda waxbarashada ka dalbaday inay warbixin dhameystiran soo saarto.
Dhanka kale waxay dalbadeen in xabsiga loo taxaabo mulkiilaha dugsigaasi si loogula xisaabtamo khaladka dhacay.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo xaruntaasi waxbarasho ay hadda xiran tahay oo ay baaritaano socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here