Wasiirka warfaafinta Lubnaan oo sheegtay inay is casishay

Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee dalka Lubnaan Manal Cabdel Samad ayaa maanta shaacisay inuu iska casishay  xilkii ay haysay.
Waxaa ay go’aankeeda  u aaneesay in xukuumadda uu ka tirsanaa ee ra’iisul wasaare Xasan Diyaab ay ku fashilantay ka shaqeynta danaha shacabka.
Sido kale waxaa jiro warar sheegaya in ilaa iyo hadda ay iscasileen 6 xildhibaan oo ay ugu dambeysay Nehmat Freim oo si madax bannaan lagu soo doortay.
Dhanka kale ugu yaraan 728 qof ayaa lagu dhaawacay isku dhacyo ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaal ku dhex maray bartamaha caasimadda Lubnaan ee Beirut.
Talaadadii la soo dhaafay ayay ahayd markii qarax ka dhacay Lubnaan ay ku dhinteen ugu yaraan 158 qof halka in ka badan 6,000 ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here