Wasiirka wasaaradda waxbarashada oo amray in la xiro dugsi ay saaka carruur ku dhinteen

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa amar ku bixiyay in albaabada la isugu dhufto dugsiga sida gaarka ah loo leeyahay ee Precious Talent School ee xaafadda Dagoretti , magaaladatani Nairobi.
Amarka Magoha ayaa yimid kaddib markii saaka fasal ka mid ah kuwa xaruntaasi oo dumay ay ku dhinteen 7 arday ah halka 64 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dugsigaasi oo ka kooban laba dabaq ayaa xirnaan doono ilaa iyo maalinka isniinta waxaana intaasi ka hor la sameynaya baaritaano lagu xaqiijinayo badqabka ardayda.
Isagoo wakiil ka ah naftiisa, wasaaradda uu hoggaamiyo iyo guud ahaan dowladda ayuu Prof. Magoha u tacsiyadeeyay qoysaskii ay carruurtooda dhinteen.
Wasiirka ayaa xusay in marka baaritaanada la dhameeyo kaddib haddii ay soo baxdo in halkaasi ay ka jiraan cillado wax u dhimi karo nolosha ardayda , carruurta lagu wareejin doono dugsiyada dowliga ee halkaasi ka ag dhow.
Prof .Magoha oo warbaahinta la hadlay galinkii dambe ee maanta ayaa sheegay in guddi isku dhaf ah loo saaray inuu ogaado sababta keentay in fasalka uu dumo.
Wasiirka oo xusay in carruurta ay muddo afar maalmood ah xaafadahooda ku sugnanayaan ayaa dhanka kale waalidiinta ugu baaqay in tani aynan ku beerin walaac ay carruurta uga saaraan dugsiyada maadaama guud ahaan dalka ay ku yaallaan ku dhawaad 35,000 oo ah dugsiyo hoose dhexe, dhacdadana laga sal gaari doono.
Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay dhacdada maanta la soo tabiyay isagoo ballanqaaday in cidii aan howsheeda dhanka dhismaha sida habboon u gudan lala xisaabtami doono.
Sido kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ardayda dhaawacmay oo ay tiradoodu tahay 64, laba ka mid ah ay aad u liitaan ama dhaawacoodu halis yahay.
Wasiirka ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu tagay goobtii ay dhibaatada ka dhacday waxaa uuna mulkiilaha dugsiga Precious Talent School ku eedeyay inuunan u hoggaansamin xeerarka badqabka ee u degsan wasaaradda waxbarashada ee dalka.
Magoha oo warbaahinta faahfaahin ka siinayay waxyaabaha ilaa iyo hadda u soo baxay ayaa sheegay in mulkiilaha dugsiga ay dhibaatadan saameysay uu isagoo aan loo ansaxinin uu dabaq kale oo labaad ku daray midkii hore .
Wasaaradda waxbarashada ayaa shaacisay inay tixgelin doonto cabasho ka soo yeertay waalidiinta iyo mas’uuliyiinta deegaankaasi oo muddo afar bilood gudahood ah aaggaasi laga dhisayo dugsi dowladeed.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo ku maqan Maraykanka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida carruurta waxaa uuna xusay in maamulada kala duwan ay qaadayaan tallaabooyin degdeg ah si xaaladdan loola tacaalo sido kalena looga hor tago inay mar kale dhacdo.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka, William Ruto ayaa tacsi tani la mid ah u diray qoysaska isagoo ardayda dhaawaca ah u rajeeyay inay ka soo kabsadaan dhibaatada gaartay.
William Ruto ayaa sheegay inay khasab tahay in dhammaan ardayda dalka ay helaan goob ay wax ku baran karaan iyadoo badqabkoodu la xaqiijiyay.
Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Raila Odinga ayaa isna tacsi kaddib sheegay inay khasab tahay in la ogaado sababta ay tani u dhacday.
Hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaa dhankeeda sameysay xarun gaar ah oo loogu talagalay inay waalidiinta ay carruurtooda dugsigaasi dhiganayeen ay wargelin ka helaan sido kalena fidin doonto adeegyada la xariirta caawimaadda dhanka maskaxda waxayna soo saartay nambarada 0715 820 219 ama 1199 oo howshaasi fududeyn karo.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa dhankiisa sheegay in dowladda ay ku dadaali doonto sidii dhammaan ardayda dhaawacmay ay u heli lahayeen daryeel caafimaad.
6 ka mid ah ardayda ayaa dhintay xilli lagu dabiibayay isbitaal la geeyay halka midka toddobaad isagoo meyd ah laga soo saaray burburka hoostiisa.
Mulkiilaha xaruntaasi waxbarasho Moses Wainaina oo ka hadlay dhibaatada dhacday ayaa u aaneeyay bullaacad laga sameynayay meel aan sidaasi uga fogeyn fasalka burburay.
‏ Waxay wararku intaasi ku darayaan in fasalkaasi ay wax ku baranayeen 200 oo arday ah halka tirada guud ee ardayda dugsigaasi ay tahay 600.
Qaar ka mid ah injineerada dalka ayaa su’aal geliyay qaabka fasallada dugsigaasi loo dhisay oo ay sheegeen inaan aad loo adkeynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here