Wasiirka waxbaarshada dalka oo baaq u diray macalimiinta aan ka soo jeedin gobolka waqooyi bari

Wasiirka wasaaradda waxbarashada dalka Prof. George Magoha ayaa baaq u diray macalimiinta aan ka soo jeedin gobolka waqooyi bari kuwaas oo ka cabsanayaa inay ka sii hawlgalaan gobolkaas sababo la xariirta amnigooda.
Cabsida soo wajahday macallimiinta ayaa timid kaddib markii saddex macalimin ah lagu dilay tuulada Kamutheey oo ka tirsan deegaanka Fafi ee ismamaulka Garissa.
Macalimiinta qaar ayaa bilaabay inay ka soo cararaan deegaano ka mid ah gobolka waqooyi bari.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada dalka ayaa ugu baaqay macalimiinta inay sii joogaan gobolka waqooyi bari wuxuuna u ballanqaaday in dowladda Kenya ay waajibaad iska saari doonto sidii loo sugi lahaa ammaanka qof walba oo Kenyaan ah.
Kaddib falalkii ammaan darro ee dhawaan ka dhacay qeybo kamid ah ismaamulka Garissa gaar ahaan deegaanada Dadaab Iyo Faafi oo ay ku dhinteen 4 arday iyo 3 macallimiin ah, macallimiintii ka soo jeeday qeybaha kale ee dalka ayaa isaga soo baxay dugsiyada ku yaalla deegaanadaas.
Waxaa hadda jiro qaar ka mid ah dugsiyada Dadaab iyo Faafi oo aysan hadda wax tacliin ah ka socon .
Goobaha ay macallimiintii joogay ka soo tageen waxaa ka mid ah degmada Dheertu oo ka tirsan Dadaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here