Wasiirka waxbarashada dalka oo soo saaray amar cusub

Wasiirka wasaaradda waxbarashada dalka Prof. George Magoha ayaa jaamcadaha ku amray inay joojiyaan bixinta culuun ama koosas uu ku tilmaamay kuwo aan loo baahneyn.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la doonayo in walaac laga muujiyo tayada ardayda jaamacadaha kala duwan ka qalin jabiya.
Wasiirka ayaa sheegay in jaamacadaha dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ay sii wadaan inay xarumo cusub ka furaan qeybaha dalka iyadoo culuunta ay bixiyaana inta badan ay isku mid yihiin.
Xilli uu ku sugnaa jaamacadda Kenyatta ayuu Prof. Magoha carrabka ku dhuftay in muhiimadda waxbarashadu ay tahay in ardayda ay qaataan takhasusyo loo baahan yahay oo bulshada loogu adeegi karo iyagana ay shaqooyin anfaca ku heli karaan.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in qaar ka mid ah jaamacadaha aynan haysan lacago ku filan oo ay howlahooda ku maareyaan.
Bishii lixaad ee sannadkan ayay ahayd markii Prof . Magoha uu kulan la qaatay maamulayaasha jaamacadaha iyagoo ka wada hadlay isbeddelada ay lagama maarmaanka tahay in la dhaqangeliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here