Wasiirka waxbarashada iyo abaanduulaha booliska oo berri baarlamaanka hor tagaya

Xildhibaannada baarlamaanka dalka ayaa u yeeray wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha, abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai iyo madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC , Nancy Macharia.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii xildhibaanka laga soo doortay deegaanka galbeedka Wajeer Axmad Qoloos uu dalbaday in mas’uuliyiintan su’aalo laga weydiiyo waxyaabaha lagu saleeyay go’aankii ku dhawaad 3000 oo macallimiin ah looga soo wareejiyay dugsiyada ku yaalla gobolka waqooyi bari.
Kaddib weeraro dhacay oo lagu dilay saddex macallimiin ah ayay TSC barayaasha aan dhalasho ahaan ka soo jeedin ismaamullada Garissa , Wajeer iyo Mandera soo beddeshay.
Waxay TSC hoosta ka xarriiqday inay tixgelinayso badqabka macallimiinta hasa ahaate tallaabadaas ayaa horseedday saameyn ballaaran oo ku timid waxbarashada gobolka waqooyi bari.
Guddoomiyaha guddiga waxbarashada ee baarlamaanka Mr.Julius Melly ayaa sheegay inay saddexdan mas’uul berri wareysan doonaan si ay golaha sharci dejinta maalinka khamiista warbixin ugu gudbiyaan.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo shalay madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM, Raila Odinga uu sheegay in dhibaatada macallimiin la’aanta ee ka jirto waqooyi bari uu kala hadlay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo uuna rajeynayo in waqti dhow uu shaaca ka qaado arrin xal u noqon doonto caqabadda taagan ee ay shacabka iyo hoggaamiyaasha la soo doortay walaaca ka muujinayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here