Wasiirka waxbarashada iyo abaanduulaha booliska oo la siiyay fursad kale oo ay baarlamaanka uga soo hormuuqanayaan

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha iyo abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa loo qabtay ilaa 10-ka barqanimo ee maanta si ay uga soo hormuuqdaan guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha tacliinta.
Shalay ayaa lagu waday inay golaha sharci dejinta hor tagaan balse waxay direen wakiilo matalaya taasoo laga diiday.
Guddoomiyaha guddiga waxbarashada ee baarlamaanka Mr. Julius Melly ayaa hoosta ka xarriiqay in Magoha iyo Mutyambai ay qudhooda yimaadaan.
Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC Dr. Nancy Macharia oo sido kale loo yeeray ayaa keligeed tagtay baarlamaanka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii xildhibaanka laga soo doortay deegaanka galbeedka Wajeer Axmad Qoloosh uu dalbaday in mas’uuliyiintan su’aalo laga weydiiyo waxyaabaha lagu saleeyay go’aankii ku dhawaad 3000 oo macallimiin ah looga soo wareejiyay dugsiyada ku yaalla gobolka waqooyi bari.
Kaddib weeraro dhacay oo lagu dilay saddex macallimiin ah ayay TSC barayaasha aan dhalasho ahaan ka soo jeedin ismaamullada Garissa , Wajeer iyo Mandera soo beddeshay.
Waxay TSC hoosta ka xarriiqday inay tixgelinayso badqabka macallimiinta hasa ahaate tallaabadaas ayaa horseedday saameyn ballaaran oo ku timid waxbarashada gobolka waqooyi bari.
Guddoomiyaha guddiga waxbarashada ee baarlamaanka Mr.Julius Melly ayaa sheegay in saddexdan mas’uul ay wareysan doonaan si ay golaha sharci dejinta maalinka warbixin ugu gudbiyaan.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo maalinkii Axadda madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM, Raila Odinga uu sheegay in dhibaatada macallimiin la’aanta ee ka jirto waqooyi bari uu kala hadlay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo uuna rajeynayo in waqti dhow uu shaaca ka qaado arrin xal u noqon doonto caqabadda taagan ee ay shacabka iyo hoggaamiyaasha la soo doortay walaaca ka muujinayaan.
Sido kale dhawaan ayay ahayd markii madaxda siyaasadeed ee laga soo doortay ismaamullada gobolka waqooyi bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera ay xarunta State House ee magaaladatani Nairobi kulan kula yeesheen madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta.
Barasaabka dowlad deegaanka Garissa, Cali Bunow Qorane ayaa wada hadallada ku tilmaamay kuwo miro-dhal ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay madaxweyne Uhuru Kenyatta u gudbiyeen dhibaatooyinka gobolka ka taagan oo ay ugu horreeyaan arrimaha waxbarashada iyo ammaanka.
Guddoomiyaha Garissa ayaa xusay in madaxweynaha uu mas’uuliyiinta u ballanqaaday in xal loo helayo caqabadaha gobolka ka jiro isagoo dhanka kale ku booriyay inay kaalin weyn ka qaataan sugidda ammaanka deegaannada gobolka.
Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba , xildhibaanka deegaanka Ceeldaas Aadan Keynaan iyo dhigiisa deegaanka Garissa Township ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay madaxda kulan gaar u ahaa yeesheen ka hor inta aynan la shirin hoggaamiyaha wadanka.
Mr. Ducaale ayaa shaaca ka qaaday inay si gaar ah u eegayeen macallimiin la’aanta ka jirta gobolka , amni darrada, horumarinta wadada weyn ee isku xirta Isiolo – Madogaashe – Habaaswein – Wajeer – Raamu iyo Mandera ee ay si wadajir ah u maalgelinayaan dowladda dhexe iyo bangiga adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here