Wasiirka waxbarashada oo amray in kormeer lagu sameeyo dugsiyada dalka

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa amar ku bixiyay in komeer dhanka dhismaha ah lagu sameeyo dhammaan xarumaha waxbarasho ee dowladda.
Shalay ayay ahayd markii uu wasiirka amray in albaabada la isugu dhufto dugsi ku yaalla deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi oo laga cabsi qabo inuu dumo sida midkii Dagoretti oo kale.
Maalmo un kaddib markii fasal ku dumay deegaanka hoose ee Ngando ay ku dhinteen 8 arday ah halka 64 kalena ay dhaawacmeen ayaa waxaa isa soo taraya baaqyada dowladda loo jeedinayo ee ku aaddan inay tallaabo qaaddo.
Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa dalbaday in xabsiga loo taxaabo mulkiilaha dugsiga sida gaarka ah loo leeyahay ee Precious Talents Top School oo dhacdadaasi ay saameysay.
Mudanayaasha ayaa su’aal geliyay sababta aan weli gacanta loogu dhigin Mr Moses Wainaina.
Senatarka ismaamulka Laikipia John Kinyua ayaa hoosta ka xarriiqay in kastoo ay socdaan baaritaano ku saabsan dhibaatada dhacday haddana la doonayo in tallaabo degdeg ah la qaado.
Mr. Wainaina ayuu ku eedeyay inuu hanti kororsi ka doorbiday nolosha ardayda.
Guddoomiye ku xigeenka aqalka sare ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa dhankiisa guddiga tacliinta ku amray inuu u yeero wasiirka waxbarashada ee dalka iyo saraakiisha sar sare ee wasaaradda u qaabilsan dhanka dejinta xeerarka.
Prof. Kindiki ayaa carrabka ku adkeeyay in dhimashada sideedda arday ay tahay musiibo qaran .
Barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa dhankiisa iyadoo laga falcelinayo khasaaraha nafeed ee ka dhashay fasalkii dumay waxaa uu shaqada ka eryay saraakiil sar sare.
Mas’uuliyiintan waxaa ka mid ah wasiirka maaliyadda ee dowlad deegaanka Nairobi Charles Kerich iyo dhigiisa caafimaadka Maxamad Dhaqane oo u xilsaaran faya dhowrka iyo badqabka.
Mike Sonko ayaa bayana uu soo saaray ku sheegay in tallaabadan ay horseedeyso in baaritaano madax bannaan la sameeyo.
Waxaa uu wacad ku maray inaan dabagalka arrintan lagu sameynayo marnaba laga daali doonin ilaa iyo inta cidii dembi gaysatay ama waajibaadkeeda ka gaabisay lala xisaabtamo.
Saraakiisha kale ee uu barasaabka Nairobi shaqada ka istaajiyay ayaa kala ah madaxa waaxda qorsheynta Justus Kathenge,Jusper Ndeke Dominic Mutegi,Ochanda Ondari Fredrick ,Ruth Waruguru ,Thomas Dudi ,Simon Onyango ,Alex Mucheru,Mackline Saitera ,Edna Guantai, Joyce Kyengo ,Lucy Wairimu Munyika ,Sylivia Mwikali Nthinga iyo maamulka deegaanka hoose ama woodka Okal Kennedy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here