Wasiirka waxbarashada oo baaq u diray maamulayaasha dugsiyada

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maamulayaasha dugsiyada kala duwan ugu baaqay inay xaqiijiyaan in xarumaha ay maamulaan ay u diyaarsanyihiin kaabayaasha tacliinta si ay ku suurtagasho in laga dhaqangeliyo manhajka cusub ee waxbarashada.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ku sugnaa deegaanka Gatundu ee Kiambu.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dugsiyada dalka maanta dib loo furay kaddib markii uu dhammaaday fasax ay ardayda iyo macallimiinta ku jireen.
Prof. George Magoha ayaa ku baaqay in waalidiinta ay ku dadaalaan sidii dhammaan ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay ugu gudbi lahayeen dugsiyada sare.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay qasab tahay in si buuxda loo dhaqangeliyo qorshaha dowladda ee ah in ardayda KCPE-da sameeyay ay boqolkiiba boqol ku biiraan dugsiyada sare.
Magoha ayaa dhanka kale waalidiinta ku boorriyay inay soo dhaweeyaan oo ayna ogoladaan manhajka cusub ee tacliinta ee 2-6-3-3-3.
Waxaa uu xusay in nidaamkan uu diiradda saarayo in ardayda xilli hore laga soo dhiso dhanka tayada.
Magoha ayaa ku nuuxnuuxdsaday in waxa uu hannaankan uga duwan yahay midka 8-4-4 uu yahay in canugga uu isagoo yar ogaan karo halka uu ku fiican yahay.
Manhajka cusub ee waxbarashada ayaa la doonaya in lagu beddelo mid wanagsan laga adeegsanayay in ka badan 30 sano.
8-4-4 ayaa lagu dhaliilaa inuu xoogga saarayo in ardayday ay ku mashquulaan sidii ay imtixaanada qaran ugu guulaysan lahayeen.
Sido kale waxyaabaha keenay in la beddelo ayaa ah inuu xambaarsanyahay maaddooyin badan oo culeys maskaxeed ku keenaya ardayda.
Dhanka kale waxaa maanta billaabanaya muddo xileedka maamule ku xigeenka cusub ee jaamacadda Nairobi Prof. Stephen Kiama kaddib markii dhawaan la magacaabay.
Arrintan ayaa waxaa shaaciyay golaha jaamacadda wuxuuna xilka kala wareegaya Peter Mbithi oo bartamihii sannadkii hore aan ku guulaysan inuu laba xilli oo isku xigta jagadan hayo.
Xilkan ayaa bannaanaaday kaddib markii maamulaha jaamacadda uu diiday codsi ka yimid ku xigeenkiisa oo ahaa in mudada loo kordhiyo.
Kiama oo horay u soo noqday ku xigeenka madaxa jaamacadda u qaabilsan dhanka shaqaaleysiinta iyo maamulka ayaa xilkan hayn doonaa muddo shan sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here