Wasiirka waxbarashada oo baarlamaanka hor tagaya

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa la filayaa inuu maanta ka soo hormuuqdo guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha waxbarashada.
Waxaa uu qorshuhu yahay in su’aalo laga weydiiyo qaabka wasaaradda uu hoggaamiyo ay u xaqiijinayso in dhammaan ardayda ay helaan casharrada kala duwan in kastoo dugsiyada ay weli xiran yihiin.
Sido kale wasiirka ayaa looga fadhiyaa inuu faahfaahin ka bixiyo qorshaha ku aaddan imtixaannada qaran ee shahaaddiga ah.
Shalay ayay ahayd markii qaar ka mid ah xildhibaannada golaha sharci dejinta ay dhaliilo u jeediyeen Prof. Magoha.
Mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Aaden Barre Ducaale ayaa carrabka ku dhuftay inay jiraan arday aan qaab online ah casharrada ku heli Karin
Cod :Ha noo sheegin raadiya , waxaa jiro dad aan haysan sido kale waxaa jiro dad ah boqolkiiba 99 oo aan isticmaalin intarneet.

Mudanaha deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu gobolka bartamaha dalka Mr.Antony Kimani Ichung’wa ayaa Prof. Magoha ka dalbaday inuu iscasilo hadii uu ku fashilmay gudashada waajibaadka loo igmaday.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasaaradda waxbarashada ee dalka ay sheegtay in casharrada dugsiyada lagu bixinayo qaab online ah iyo idaacadaha qaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here