Wasiirka waxbarashada oo baarlamaanka ka soo hormuuqday

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa maanta ka soo hormuuqday baarlamaanka waxaana su’aalo laga weydiiyay qorshaha wasaaradda ee ku aaddan sidii dhammaan ardayda ay ku heli lahayeen casharrada dhaafay maadaama ay dugsiyada xiran yihiin iyo sido kale jadwalka imtixaannada qaran.
Prof. Magoha ayaa mudanayaasha u sheegay in aynan suurtagal ahayn in la ogaado xilliga la soo afjaraya cudurka covid-19 ee dalka iyo dunidaba saameeyay.
Sido kale waxaa uu xusay in lagu dadaali doono sidii arday kasta uu ku heli lahaa casharrada habboon ka hor inta aan dabayaaqada sannadkan lagu imtixaanin.
Sannad kasta arday badan ayaa u fariista imtixaanaadka qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da iyo kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada saree e KCSE-da .
Shalay ayay ahayd markii qaar ka mid ah xildhibaannada golaha sharci dejinta ay dhaliilo u jeediyeen Prof. Magoha.
Mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Aaden Barre Ducaale ayaa carrabka ku dhuftay inay jiraan arday aan qaab online ah casharrada ku heli Karin
Waxaa uu xusay in dowladda ay leedahay waxaa la adeegsanaya idaacado iyo intarneetka balse dhanka kale ay jiraan arday aan labaduba fursad u haysan.
Tirada ardayda ee aan isticmali Karin adeegga intarneetka ayuu Ducaale ku sheegay boqolkiiba 99.
Mudanaha deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu gobolka bartamaha dalka Mr.Antony Kimani Ichung’wa ayaa Prof. Magoha ka dalbaday inuu iscasilo hadii uu ku fashilmay gudashada waajibaadka loo igmaday.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasaaradda waxbarashada ee dalka ay sheegtay in casharrada dugsiyada lagu bixinayo qaab online ah iyo idaacadaha qaar oo ay ka mid tahay warbaahinta dowladda ee KBC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here