Wasiirka waxbarashada oo digniin u diray maamulayaasha dugsiyada

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa digniin adag u diray maamualayaasha dugsiyada ee ardayda ka qaadaya lacago ka badan qiimaha ay dowladdu jaangoysay.
Magoha ayaa maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka ka dalbaday inay adeegsadaan qiimaha rasmiga ah.
Arrintan ayaa timid kaddib markii qaar ka mid ah waalidiinta dalka ay cabasho ka muujiyeen in lagu xiray inay bixiyaan lacago dheeraad ah.
In ka badan hal milyan oo arday ah ayaa sannadkan ku biiray dugsiyada sare in kastoo weli uu jiro ciriiri dhanka fursadaha ah.
Prof .Magoha, wasiirka waxbarashada ee dalka ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta sheegay in sannadkan la shaqaaleysiinaya 10,000 oo ah ardayda macallinimada soo bartay.
In ka badan 300,000 oo barayaal ah ayaa loo fidiyay tababaro la xiriira manhajka cusub ee waxbarashada.
Maalinkii jimcada ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu saraakiisha ammaanka amar ku siiyay inay la shaqeeyaan howlwadeenada wasaaradda tacliinta si loo xaqiijiyo in dhammaan ardayda sannadkii tagay sameeyay imtixaanka KCPE-da inay u gudbeen dugsiyada sare.
Dhanka kale dowladda dhexe ayaa ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ee wadanka u qabatay ilaa maalinka jimcada ee toddobaadkan si ay isaga xaadiriyaan xarumaha u soo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here