Wasiirka waxbarashada oo digniin u diray waalidiinta

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay inay khasab tahay in arday kasta oo dhameeyay dugsiga hoose dhexe uu u gudbo dugsiyada sare ee wadanka.
Waxaa uu digniin adag u diray waalid kasta oo ku guul dareysto inuu dadaal ku bixiyo sidii canugiisa uu u sii wadan lahaa waxbarashada.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nyeri, ayuu Magoha hoosta ka xarriiqay in wasaaradda uu hoggaamiyo ay sameyn doonto dabagal arrinkan ku aaddan.
Waxaa uu ku celceliyay in marnaba aan la hor istaagi karin qorshaha dowladda ee ah in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol ku biiraan dugsiyada sare.
Waalidiinta qorsheynaya inay gabdhahooda rag u guuriyaan ayuu u sheegay in loola dhaqmayo qaabka habboon oo ay la kulmayaan ciqaabta ay mudan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here