Wasiirka waxbarashada oo eedeyn loo jeediyay

Guddoomiyaha guddiga tacliinta ee baarlamaanka Florence Mutua ayaa wasaaradda waxbarashada ku eedeysay inay jahwareer abuurtay.
Waxay sheegtay in wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha laga doonayo inuu shacabka u soo bandhigo jadwal cad oo ku aaddan xilliga dib loo furayo dugsiyada wadanka.
Magoha ayaa marar badan sheegay in dib u furka dugsiyada ay ku xiran tahay sida loola tacaalo cudurka COVID19.
Florence Mutua oo sido kale ah wakiilka haweenka ee ismaamulka Busia ayaa wasiirka ku eedeysay inuusan wada tashi dhinacyo badan ah sameyn.
Wasiirka waxbarashada Prof. George Magoha ayaa dhankiisa isugu yeeray kulan ay 14-ka bishan ka qayb galayaan saamiileyda tacliinta ee dalka si dib u eegis loogu sameeyo tallaabooyinka lagu xiray dib u furka xarumaha waxbarashada.
Bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan ayaa dugsiyada wadanka la xiray si looga hor tago faafitaanka coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here