Wasiirka waxbarashada oo ka hadlay qaabkii lagula tacaalay xatooyada imtixaanaadka qaran

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in tallaabooyin adag oo la qaaday ay gacan ka gaysteen inaan sannadkan wax isadabamarin lagu sameyn imtixaanaadka qaran ee fasalka sidedaad ee dugsiyada hoose dhexe (KCPE) oo natiijadii ka soo baxday shalay lagu dhawaaqay.
Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in xeerarka la adeegsaday ay soo jireen afartii sano ee ugu dambeeyay.
Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday in marka la eego qaabkii imtixaanaadka loo maareeyay ay iska caddahay in meesha laga saaray siyaabihii ay horay arday xatooyo u sameyn jireen.
Prof. Magoha ayaa carrabka ku dhuftay in sannadkan , afar arday keliya laga joojiyay imtixaanaadka kaddib markii ay soo baxday inay shakhsiyaad kale ay maadooyinka kala duwan u sameynayeen.
Wasiirka ayaa sido kale sheegay in sannadkan 2019-ka aynan jirin hal waraaq oo been abuur ah oo la qabtay taasi oo la xariirta imtixaanaadka.
Sannadkii 2016-kii ayay ahayd markii golaha imtixaanada qaran ee KNEC uu sheegay inuu gacanta ku dhigay 102 oo warqado faalis ah.
Wasiirka ayaa dhanka kale ammaanay macallimiinta dalka oo uu sheegay inay qabteen shaqo loo riyaaqo maadaama warbixinada loo soo gudbiyay ay tilmaameen in ardayda ay imtixaanka u fariisanayeen iyadoo wajiyadooda laga dheehan karo inay isku kalsoonyihiin.
Sido kale Prof. Magoha ayaa sheegay in intii ay socdeen imtixaanada fasalka sideedaad ee KCPE-da xabsiga loo taxaabay 10 qof oo ay ka mid yihiin 8 saraakiil oo loo xilsaaray maareynta imtixaanada goobo ka tirsan ismaamulada Nyandarua, galbeedka Pokot iyo Garissa.
Waxaa uu intaasi ku daray in laga hor tagay falalkii ay shakhsiyaadkan damacsanayeen oo ahaa inay wax isadabamarino sameeyaan.
George Magoha ayaa caddeeyay inuunan jirin imtixaan ama xita hal su’aal oo la dusiyay ama xilli hore ay ardayda heleen.
Dhanka kale madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC Nancy Macharia ayaa sheegtay in baaritaano lagu hayo 56 barayaal ah oo qaladaad sameeyay xilligi imtixaanka uu socday.
Hasa ahaate macallimiinta ayay ku ammaantay sida ay shaqadooda u guteen iyadoo xustay in boqolkiiba 99.99 ka mid ah ay ka soo baxeen waajibaadkii loo igmaday.
Ms Macharia ayaa sheegtay in guddiga TSC uu dhawaan sharfi doono macallimiinta qaaday tallaabooyin aan caadi ahayn si ay uga hor tagaan qish ama xatooyo dhanka imtixaanaadka ayh.
Waxaa sannadkan imtixaanka KCPE-da sameeyay arday dhan hal milyan iyadoona buundada 400 ay keeneen arday dhan 9,770 halka sanadkii hore ee 2018-kii ay ahayd 11,000.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka George Magoha ayaa sheegay in ardayda ay si weyn ay hormar uga sameeyeen maadooyiinka Engliishka, Swaaxiliga iyo Sayniska
Tani ayaa ah natijadii ugu dhaqsiyaha badneyd oo ay so saarto wasaaradda waxbarashada dalka iyadoo ardaygii ugu horreeyay wadanka uu helay buundo ah 440.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here