Wasiirka waxbarashada oo ku amray Jaamacadaha inay bixiyaan deymaha lagu leeyahay

Wasiirka waxbarashada George Magoha ayaa ku amray jaamcadaha dowlada inay bixiyaan canshuur iyo deyn gaareyso 16.5 Bilyan oo shilinka dalka ah.
Waxa uu u saheegay in jaamcadaha aysan dhaqaala ka sugin dowlada si ay deymahas u bixiyaan,asaga oo ka doonayo inay sida ugu dhakhsiyaha badan u bixiyaan.
Mr.Magoha ayaa shegay in Jaamacadaha aysan bixin lacag dhan 8.1 Bilyan oo canshuur ah iyo 8.4 Bilyan oo ah lacagta howlgabka.
Wasiirka ayaa Jaamacadaha u sheegay inay la kaashadaan lamaaha kala duwan ee khuseyso sida maamulka Canshuuradka dalka KRA iyo Maamulka fa’idada Howlgabka ee RBA.
Si ay taasi  u suura gasho Wasiirka ayaa Jaamcadaha ku amray inay shaqaalaha isk udheeli tiran, meeshana ay ka saaraan xaruumaha aan dhaqaala laga helayn , lacagahana si wanagsan loo isticmalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here