Wasiirka waxbarashada oo la filaya inuu baarlamaanka ka soo hormuuqdo

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa lagu wadaa inuu hor tago xildhibaannada baarlamaanka.
Magoha ayaa ka jawaabi doono su’aalo la xiriira sababta dowladda dhexe aynan dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ugu wareejin boqolkiiba 30 ee miisaaniyadda loo qoondeeyay xilli dugsiyeedka labaad ee sannadka.
Xildhibaanka deegaanka Emuhaya ee ismaamulka Vihiga Mr. Omboko Milemba ayaa dalbaday in baarlamaanka uu u yeero wasiirka waxbarashada.
Waxaa uu mudanaha doonaya in malaayiin shilin oo horay loogu qoondeeyay arrimaha cayaaraha loo adeegsado bixinta deymaha lagu leeyahay xarumaha waxbarashada.
Dhanka kale guddoomiyaha ururka maamulayaasha dugsiyada sare ee wadanka ee (Kessha) ,Kahi Indimuli ayaa sheegay in 80,000 oo macallimiin ah kuwaasoo ay shaqaleysiiyeen guddiyada dugsiyada maamulo ee (BoM) iyo kumanaan howlwadeeno dheeraad ah aynan mushaaraad helin tan iyo bishii afaraad ee sannadkan.
Dowladda ayaa in ka badan 50 bilyan oo shilin u qoondeysay waxbarashada lacag la’aanta ah ee dugsiyada sare iyo 14 bilyan oo loogu talagalay dugsiyada hoose dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here