Wasiirka waxbarashada oo la kulmay saamiileyda tacliinta

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta sida gaarka ah u daneeya arrimaha tacliinta.
Kulanka ayaa ka dhacay xarunta machadka horumarinta manaahijta ee KICD ee magaalada Nairobi.
Waxay dhinacyada kala duwan isla eegeen suurtagalnimada la xiriirta in dib loo furi karo dugsiyada dalka.
Wasiirka waxbarashada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khuburada caafimaad ay shaaciyeen inay yaradeen kiisaska coronavirus ee gudaha wadanka balse weli aysan dhammaan halista caabuqa.
Waxaa uu intaa ku daray in xita hadii dugsiyada la furo caqabadda ugu weyn ay tahay in la xaqiijiyo in ardayda aynan aad isugu dhawaan.
Magoha ayaa sheegay in toddobaadka soo socdo ama ka hor 24-ka bishan la qaban doono kulan ballaaran oo looga arrinsanaya xilliga ay ardayda dib ugu laabanayaan dugsiyada.
Sido kale waxaa uu xusay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu shaacin doono taariikhda rasmiga ee dib loo furaya xarumaha waxbarashada.
Goobaha tacliinta ee Kenya ayaa la xiray bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan si looga hor tago faafidda cudurka COVID19.
Prof. Magoha oo lagu eedeyay inuu jahwareer ku abuuray ardayda iyo waalidiinta ayaa marar badan sheegay in dugsiyada la furayo keliya kaddib marka laga guulaysto coronavirus.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here