Wasiirka waxbarashada oo la kulmaya maareeyaasha tacliinta

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maanta lagu wadaa inuu shir guddoomiyo kulan wada tashi ah oo ku saabsan imtixaanada qaran ee sannadkan.
Shirka ayaa lagu qabanayaa xarunta dugsiga dowladda ee KSG magaaladatani Nairobi.
Waxaa diiradda lagu saaraya maareynta imtixaanada qaran gaar ahaan xaqiijinta in natiijada ka soo baxdo ay noqoto mid lagu kalsoonyahay.
Prof. Magoha ayuu qorshuhu yahay inuu wada hadalo la yeesho iskuduwayaasha waxbarashada ee gobolada dalka , ismaamulada iyo deegaannada hoos tago.
Waxaa shirka ka qeyb galaya mas’uuliyiinta guddiga adeegga macallimiinta ee TSC, golaha imtixaanada qaran ee KNEC , ururada macalimiinta iyo dalladda waalidiinta dalka.
29-ka bishan ayaa la qorsheeyay inay billowdaan imtixaanada qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe (KCPE) halka kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare(KCSE) ay billaaban doonaan 1-da bisha Novembar ee sannadkan.
Arday ay tiradoodu gaareyso 1.8 milyan ayaa sannadkan u fariisanaya imtixaanada shahaadiga ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here