Wasiirka waxbarashada oo la kulmaya maareeyaasha tacliinta

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa berri la filayaa inuu shir guddoomiyo kulan wada tashi ah oo ku saabsan imtixaanada qaran ee sannadkan.
Shirka ayaa lagu qabanayaa xarunta dugsiga dowladda ee KSG magaaladatani Nairobi.
Waxaa diiradda lagu saaraya maareynta imtixaanada qaran gaar ahaan xaqiijinta in natiijada ka soo baxdo ay noqoto mid lagu kalsoonyahay.
Prof. Magoha ayuu qorshuhu yahay inuu wada hadalo la yeesho iskuduwayaasha waxbarashada ee gobolada dalka , ismaamulada iyo deegaanada hoos tago.
Waxaa shirka ka qeyb galaya mas’uuliyiinta guddiga adeegga macallimiinta ee TSC, golaha imtixaanada qaran ee KNEC , ururada macalimiinta iyo dalladda waalidiinta dalka.
29-ka bishan ayaa la qorsheeyay inay bilowdaan imtixaanada qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe (KCPE) halka kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare(KCSE) ay billaaban doonaan 1-da bisha Novembar ee sannadkan.
Arday ay tiradoodu gaareysi 1.8 milyan ayaa sannadkan u fariisanaya imtixaanada shahaadiga ee dalka.
Wararka waxbarashada ayaan weli ku guda jirnaaye hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shacabka gaar ahaan kuwooda saameynta leh ugu baaqay inay mar walba diiradda saaraan sidii ay ku garab istaagi lahayeen xarumihii ay waxbarashadooda ka soo qaateen.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in taasi ay kaalin weyn ka qaadanayso wanaajinta tayada tacliinta iyo wax u qabashada bulshada.
Waxaa uu intaasi ku daray in ardayda hadda dugsiyada dhiganaya ay dhiirigelin u noqonayso marka ay arkaan qof mas’uul ah oo xaruntii uu ku wax bartay taageeraya.
Hadalkan ayuu madaxweynaha jeediyay xilli uu ku sugnaa dugsiga St Mary ee magaaladatani Nairobi oo uu horay wax uga bartay oo u dabbaaldegayay sanadguuradii 80-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay.
Mashaariicda ay fulin karaan ururada ardaydii hore ee dugsiyada ayuu sheegay inay ka mid yihiin dhismooyinka iyo baahiyaha kale ee jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here