Wasiirka waxbarashada oo lagu wareejiyay warbixin ku saabsan dib u furka dugsiyada

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in dugsiyada aan la furi doonin mar dhow.
Guddi ka kooban sagaal xubnood oo dhawaan loo saaray arrimaha tacliinta ee ay saameynta ka soo gaartay cudurka covid-19 ayaa shalay warbixintii ugu dambeesay ku wareejiyay wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha.
Guddiga ayaa warbixintooda horudhaca ah ku taliyay in iskuulada dib loo furo bisha Sebtember.
Xirnaanshaha dugsiyada dalka ayaa walwal ku beertay ardayda sannadkan u fariisanaya imtixaanaadka qaran ee shaaddiga ah.
Bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan ayuu wasiirka tacliinta amray in dugsiyada la xiro.
Tan iyo xilligaas ardayda ayaa ku sugan guriyahooda waxayna dowladda sheegaysa in casharrada qaab online ah lagu bixiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here