Wasiirka waxbarashada oo lagu wareejiyay warbixin ku saabsan dib u furka dugsiyada

Wasiirka waxbarashada

Guddi ka kooban sagaal xubnood oo dhawaan loo saaray arrimaha tacliinta ee ay saameynta ka soo gaartay cudurka covid-19 ayaa maanta warbixin ku wareejiyay wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha.
Warbixinta ayaa lagu eegaya inay suurtagal tahay iyo xilliga dib loo furi karo dugsiyada wadanka.
Guddigan ayaa la soo magacaabay horraantii bishan waxaana hoggaamiso guddoomiyaha machadka horumarinta manaahijta waxbarashada ee KICD Dr .Sarah Ruto.
Wargeyska The Standard ee ka soo baxo gudaha dalka ayaa ku warramaya in guddi ay dhawaan dowladda dhexe magacawday uu soo jeediyay in bisha sagalaad ee sannadkan dib loo furo dugsiyada wadanka.
Waxay tani u soo aadaysa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay isa soo tarayeen baaqyada ku aaddan in dowladda ay dib u dhigto qorshaha furitaanka dugsiyada ee 4-ta bisha lixaad.
Guddigan ayaa doonaya in mudnaanta koobaad la siiyo ardayda sameeynaya imtixaanaadka qaran ee KCPE iyo KCSE-da oo tiro ahaan dhan 1.8 milyan.
Soo jeedinta guddigan sida uu wargeyska qoraya waxaa ka mid ah in ardaydan ay imtixaanaadka shahaaddiga u fariistaan bisha labaad ee sannadka 2021-ka.
Bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan ayuu wasiirka tacliinta amray in dugsiyada la xiro.
Tan iyo xilligaas ardayda ayaa ku sugan guriyahooda waxayna dowladda sheegaysa in casharrada qaab online ah lagu bixiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here