Wasiirka waxbarashada oo maamullada jaamacadaha ku amray ka hor tagga covid-19

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa soo saaray amar ah in mas’uuliyiinta jaamacadaha kala duwan ee wadanka ay xaqiijiyaan inay sameyaan wax kasta oo looga hor tagaya cudurka Covid-19 ka hor inta aan xarumahan dib loo furin.
Madaxda jaamacadaha iyo ku xigeenadooda ayuu ku amray inay soo saaraan qorsho dhameystiran oo arrinkan ku aaddan.
Magoha ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada iyo hay’adaha kale ee dowladda ay iska kaashanayaan sidii loo furi lahaa dhammaan xarumaha tacliinta ee dalka.
Bayaanka Magoha waxaa ku xusan in jaamacadaha looga baahan yahay in iyagoo kaashanaya wasaaradda caafimaadka ay yareyaan tirada dadka ee goobahan lagu karantiilaya.
Sido kale waxaa shuruudda dib u furka jaamacadaha ka mid ah inay xarumahan lahadaan meelo gacmaha lagu dhaqan karo iyadoo la adeegsanaya biyo, saabuun iyo gacma nadiifiyaha Hand Sanitizer iyo inaynan isku dhawaan ardayda, shaqaalaha jaamacadda iyo martida.
Waxay sido kale Khasab ah isticmaalka afxirka iyo qalabka lagu baaro heerkulka.
Bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan ayay dowladda dhexe amartay in albaabada la isugu dhufto dhammaan xarumaha waxbarashada si loo xakameeyo faafitaanka caabuqa coronavirus.
Xoghayaha wasaaradda tacliinta sare iyo cilmi baarista Simon Nabukwesi ayaa dhankiisa sheegay in madaxda jaamacadaha laga doonayo inay warbixin soo gudbiyaan 25-ka bishan lixaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here