Wasiirka waxbarashada oo magacaabid sameeyay

Wasiirka wasaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa laba qof u magacaabay inay xubno ka noqdaan golaha maamulo machadka horumarinta manaahijta ee KICD.
Magacaabidda Ms Florence Ngararia iyo Mr Johnson Nzioka ayaa lagu soo bandhigay wargeyska rasmiga ee dowladda.
Sido kale waxaa uu wasiirku cusbooneysiiyay muddo xileedka Prof Winston Jumba Akala iyo Prof Orpha K. Ongiti.
Golaha maamulo machadka KICD waxaa sido kale xubno ka ah Sara Ruto ,Julius Jwan ,Belio Kipsang, Mercy Karogo, Nicholas Letting, Nancy Macharia iyo Ms Purity Mbabu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here