Wasiirka waxbarashada oo sheegay in hal bilyan maaskaro loogu iibinaya dugsiyada

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in loo baahan yahay lacag dhan hal bilyan oo shilin si loo soo iibiyo afxir ay isticmaali karaan ardayda, macallimiinta iyo shaqaalaha kale ee dugsiyada wadanka.
Arrinkan ayuu ka hadlay xilli uu shalay ka qayb galay kulan muuqaal ah oo uu shir guddoominayay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Magoha ayaa xusay inay Khasab tahay in dugsiyada ay lahadaan goobo gacmaha lagu dhaqdo iyo maaskaro la isticmaalo ka hor inta aan dugsiyada dib loo furin.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo gudaha wadanka ay ka jirto hadal hayn ballaaran oo ku aaddan xilliyada ay ardayda dib ugu laabanayaan goobaha waxbarashada.
Wasiirka ayaa marar badan ku nuuxnuuxsaday in dugsiyada oo la xiray bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan dib loo furi doono oo keliya marka si weyn looga guulaysto cudurka COVID19.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here