Wasiirka waxbarashada oo sheegay in qaar ka mid ah machadyada dalka ay ka soo baxeen amarkii wasaaradda caafimaadka

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in 3 machadyada tababarka macalimiinta dib loo furi karo kaddib marki ay ka soo baxeen sharuudihii loogu talagalay si looga hortago faafitaanka cudurka Corona Virus.
Waxaa uuna sheegay in kulliyadaha ka soo baxa waxyaabaha looga baahan yahay ka hortaga Virus-ka dib loo furi doono bisha Sabtember ee sannadkan.
Saddexda kulliyadood ee uu sheegay wasiirka waxbarashada inay buuxiyeen sharuudihii ay ka doonaysay waaaradda caafimaadka waxaa ka mid ah Murang’a Teachers Training College , Asumbi Teachers Training College oo ku yaala ismamaulka Homa Bay,iyo Kericho TTC.
Waxaa uu sheegay Prof Magoha in kulliyadahaas ay raaceen tallaabooyiinka ay soo saartay hay’adda caafimaadka aduunka WHO .
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa maalmo ka hor sheegtay inay khasab tahay in jaamacadaha , machadyada iyo xarumaha farsamada ay buuxiyaan shuruudaha lagu xakameynayo faafitaanka cudurka COVID19 ka hor inta aan bisha sagalaad ee sannadkan loo ogolaan inay dib u furmaan.
Xarumaha waxbarashada ayaa la xiray kaddib markii gudaha wadanka laga xaqiijiyay fayraska corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here