Wasiirka waxbarashada oo sheegay inuu xoogga saari doono dhaqangalinta manhajka cusub ee tacliinta

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay inuu doonayo in uu diiradda saaro dhaqangalinta manhajka cusub ee 2-6-3-3-3 iyo in si buuxda loogu guulaysto barnaamijka dowladda ee ku aaddan in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol ku biiraan dugsiyada sare.
Xillii uu la hadlayay maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka oo ku shiraya ismaamulka Mombasa ayuu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay wasaaradda uu hoggaamiyo u qoondeysay boqolkiiba 35 ee miisaaniyadda guud ee wadanka.
Waxaa uu sido kale sheegay in wada shaqeyn dhow oo ay yeesheen saraakiisha wasaaradda waxbarashada iyo macallimiinta dalka ay horseeday in ay boqolkiiba 75 hoos u dhacaan falal horay lagu gubay qaar ka mid ah dugsiyada.
Macallimiinta dalka ayuu ku tilmaamay halyeeyo la doonayo in lagu sharfo shaqada ay dalka u hayaan.
Wasiirka ayaa sido kale shaaca ka qaaday in dowladda ay ku dadaalayso in xal loo helo gaabadka dhanka barayaasha ee wadanka ka jiro.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inuu jiro qorsho ah in lacago la siiyo ardayda baranaya macallinimada ay si wax uga dhigaan dugsiyada kala duwan.

Iyadoo macallimiinta qaar ay ka soo horjeedaan adeegsiga hannaanka lagu keydiyo macluumaadka waxbarashada ee loo yaqaano NEMIS ayuu wasiirku sheegay in arday waliba oo aan weli lagu diiwaangelin nidaamkan haddii uu xanuunsado ay qasab tahay in la daaweeyo.
Maamulayaasha ayuu ka codsaday inay ku taageeraan maareynta howlaha tacliinta si uu ugu guulaysto waajibaadka saaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here