Wasiirka waxbrashada dalka oo ka laabtay magacaabis uu sameeyay

Wasiirka wasaaradda waxbarashada dalka Prof George Magoha ayaa ka laabtay magacaabista Professor Stephen Kiama in loo magacaabo kuxigeenka Jaamacada Nairobi.
Hadal qoraal ah, uu soo dhigay Magoha wuxuu magacaabay kuxigeenka Prof Isaac Meroka Mbeche si uu ula wareego jagadaasi.
Wuxuu sheegay wasiirka waxbarashada dalka in Prof Kiama uu sii wadi doono ka shaqeynta xilkiisa isagoo ah kuxigeenka VC, Kheyraadka iyo Maamulka ee jaamacada.
Magoha ayaa sidoo kale magacaabay lix xubnood oo ka tirsan golaha jaamacadda, oo ay kujirto Guddoomiyaha Julia Ojiambo, ogeysiis gaar ah oo ku taariikhaysan Janaayo 17-eeda.
Xubnaha golaha ee jaamacada Nairobi waxaa kamid ah Flora Mtuweta Mighulo Maghanga, Dr. Jocelyn Marie Rarieya, Hassan Abdi Mohamud, Isaac Chebon Kiprop iyo Eng. Kariuki Muchemi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here