Wasiirkii ammaanka ee Indonesia oo la tooriyeeyay

Nin mindi sitay ayaa lagu soo warramayaa inuu weeraray wasiirka amniga ee dalka Indonesia General Wiranto.
Wasiirka ayaa xilligaasi booqasho ku tagayay magaalada Pandeglang ee gobolka Banten , jasiiradda Java.
Afhayeenka waaxda qaran ee booliska wadankaasi Dedi Prasetyo ayaa dhacdadan xaqiijiyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in ninkii falka gaystay gacanta lagu dhigay iyadoo sarkaal kale uu dhaawac soo gaaray.
Wasiirka ayaa hadda laga daaweynayaan dhaawaca soo gaaray iyadoo booliska ay sheegayaan in dambiilaha uu xajir ahaa.
Afhayeenka isbitaalka Berkah ,Firmansyah ayaa sheegay in wasiirku ay soo gaareen laba dhaawac o oculus hasa ahaate xaaladdiisa aynan hadda liidan.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Wiranto loo qaaday caasimadda Jakarta si uu halkaasi uga helo daryeel caafimaad oo dheeraad ah.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in madaxweynaha Indonesia Joko Widodo uu wasiirka dhaawacmay ku booqan doono isbitaalka ciidamada milatari ee Gatot Soebroto .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here