Wasiirkii Amniga Jubbaland oo gaarey Kismaayo

Wararka laga helayo magaalada kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii maanta uu halkaasi gaarey wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) oo booliska Soomaaliya ay sheegeen in uu ka baxsadey halkii uu ku xirnaa.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Cabdi Rashiid Janan iyo Xubno kale oo la sida ay doon sidey ka degtay Dekadda kismaayo,sida uu sheegay in Xildhibaan Xasan Cabdi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay deegaan doorashaoodu tahay Jubbaland.
Lama oga halka ay doonta sidey Cabdi Rashiid Janan ay ka qaadey,hayeeshee Mas’uuliyiin ka tirsan jubbaland ay sheegeen in uu ku sugan yahay Madaxtooyada Jubbaland,isla markaana Warbaahinta la hadli doono.
31-kii Bishii Agoosto ee Sanadkii 2019 ayaa Dowladda Soomaaliya ay xirtey Cabdi Rashiid Janan xilli uu ka dhoofayey Garoonka diyaaradaha Mudisho,hayeeshee 28-kii Bishaan ay Booliska Soomaliyeed ay sheegeen in uu ka baxsadey halkii uu ku xirnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here