Wasiirkii arrimaha dibadda ee Syria oo geeriyooday

Walid al-Moalem oo tan iyo sannadkii 2006-dii ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Syria ayaa maanta geeriyooday isagoo 79 sano jir ah.
Mas’uulkan ayaa sidoo kale hayay jagada ra’iisul wasaaree ku xigeenka wadankaas.
Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin geeridiisa in kastoo sanado dhowr ah uu wajahayay dhibaatooyin caafimaad.
Dibloomaasigan sare ayaa lagu xusuustaa inuu siyaasadda arrimaha dibadda ee Syria u weeciyay dhanka wadamada Iiraan iyo Ruushka oo garab u noqday madaxweyne Bashaar Al-Assad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here