Wasiirkii dastuurka iyo arrimaha sharciga ee dalka Tansaaniya oo geeriyooday

Waxaa geeriyooday wasiirka dastuurka iyo arrimaha sharciga ee dalka Tansaaniya Augustine Mahiga.
Arrintan ayaa waxaa saaka shaaca ka qaaday madaxweynaha wadanka Tansaaniya John Magufuli asagoona sheegay in Mahiga uu ku xanuunsaday gurigiisa isla markaana loo la cararay isbitaal ku yaala magaalada Dondoma kaddibna u geeriyooday.
Mahiga ayaa horay uu soo noqday wakiilkii hore ee gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsanaa Soomaaliya.
Wasiirka ayaa da’adiisu ahayd 72 sano jir in kastoo ilaa iyo hadda aan la shaacin xanuunka uu u dhintay.
Madaxweyne Magufuli ayaa Mahiga ku tilmaamay shaqsi si hagar la’aan ah ugu soo shaqeeyey dalkaasd dhowr jagooyin sare gudaha dalka iyo dibadba ka soo qaabtay.
Kumaan kun oo qof a oo ku kala nool daafaha caalamka ayaa ka tacsiyeeynaya geerida ku timid Mr Augustine Mahiga waxaan ka mid ah Qaramada Midoobay, safaaradda Soomaaliya iyo Safaaradda Jarmalka ee Tansaaniya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here