Wasiirkii difaaca ee Suudaan oo dhintay

Wasiirka gaashaandhigga ee dalka Suudaan, Janaraal, ayaa wadno xanuun u dhintay xilli uu booqasho rasmi ah ku joogay dalka Koonfurta Suudan sida ay xaqiijiyeen saraakiisha militariga Suudaan.
Janaraal Cumar ayaa lagu soo warramaya in u ka qeyb qaadanayay wadahadalada nabadeed ee u dhaxeeyay dowladiisa ku meel gaarka ah iyo koox fallaago ah gudaha caasimadda Suudaanta Koonfureed ee Juba.
Wuxuu xubin ka ahaa golaha militariga ee Suudaan, ku waas oo xukunka la wareegay sanadkii la soo dhaafay kaddib heshiis awood qeybsi ah oo 3 sano ah oo u dhexeeyay militariga waddankaasi iyo isbahaysiga mucaaradka ee horseeday kacdoonkii ka dhanka ahaa madaxweynaha muddada dheera ee dalkaasi Cumar Al-Bashiir.
Madaxa Golaha madaxa banaan ee dalka Suudaan Sarreeye Guud Cabdulfatax Cabdulraxman Burhan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Janaraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here