Wasiirkii hore ee caafimaadka ee Congo oo la xiray

Ciidamada booliska ee jamhuuriyadda dimuqaradiyadda Congo ee DRC ayaa lagu soo warramayaa inay xabsiga u taxabeen wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi Oly Ilunga Kalenga.
Mas’uulkan hore ayaa loo haystaa inuu ku takriifalay lacago ay dowladda DRC ugu talagashay in lagula tacaalo cudurka Ebola.
Bayaan ay soo saartay waaxda booliska qaran ee Congo ayaa lagu xusay inay saraakiishu ay rumeysanyihiin in Mr. Oly uu qorsheynayay inuu wadanka isaga baxo si aan dacwad loogu soo oogin.
Maalinka berri ah ayaa la filaya in maxkamadda la soo taago in kastoo ilaa iyo hadda qareenadiisa aynan weli ka hadlin xariga loo gaystay.
Horraantii bishan ayay ahayd markii qareenada ay sheegeen in booliska ay su’aalo ka weydiiyeen kaalintii wasiirka hore ee caafimaadka uu ku lahaa ka falcelinta cudurka Ebola ee Congo saameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here