Wasiirkii hore ee cayaaraha oo dacwad ka gudbiyay waaxda dambi barista dalka ee DCI

Wasiirkii hore ee cayaaraha ee dalka Rashid Echesa ayaa dacwad ka dhan ah waaxda dambi barista dalka ee DCI uu gudbiyay maxkammada maanta.
Wasiirka ayaa ku eedeyay DCI inay kala laabteen ruqsadaha ama shaatiyada qorigiisa, isla markaana laga qaaday labo bastooladood iyo baabur ah nooca Range Rover.
Dacwadan oo la hor geeyay maxkammada Milimani ayaa waxaa uu Mr. Echesa ku doodaya in taarikhdu markey ahayd 13-kii iyo 15-kii bishii hore ee sannadkan saraakiisha waaxda dambi barista dalka ee DCI ay tageen hoygiisa isla markaana ay soo qaaden alabaadan.
Waxaa uu doonaya in dhamaan alaabadan iyo baabuurka dib loogu soo celiyo.
Shalay ayay ahayd markii saraakiil kasocota waaxda dambiyada halista ah ay weerareen hoyga Mr. Echesa isla markana xabsiga loo taxaabay asaga oo loo haysto eedeymo ku saabsan khiyaano uu ku sameeyay iibiinta baabuurta.
Labo toddobaad ka hor ayaa sido kale Mr Echesa lagu soo oogay dacwad ah in uu farsameeyay dokumeentiyo loo adeegsaday qandaraas waxba kama jiraan ah.
Waxaa uu beeniyay in uu ku lug lahaa qandaraaska oo la xiriira hub sharci darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here