Wasiirkii hore ee cayaaraha oo iska fogeeyay qandaraas lala xiriiriyay

Wasiirkii hore ee wasaaradda cayaaraha, hidaha iyo dhaqanka Mr. Rashid Echesa oo xabsiga loo taxaabay shalay ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen saraakiisha waaxda dambi baarista ee dalka .
Waxaa uu iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay oo ay ka mid ahayd inuu farsameeyay dokumeentiyo loo adeegsaday bixinta qandaraas waxba kama jiraan ah.
Mr. Echesa oo maanta maxkamada ka soo hormuuqday ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa qandaraaska la xiriiray ee dhanka hubka.
Qareenada u doodaya ayaa sido kale gaashaanka u daruuray doodda saraakiisha waaxda dacwad soo oogidda ee ah in dokumeentiyada wax laga beddelay laga soo dhex helay baabuurkiisa.
Sido kale qareenada ayaa maxkamadda u sheegay in eedeynta Echesa loo soo jeediyay aynan ahayn mid culus oo sababi karto in maalmo dheeraad ah xabsiga lagu sii hayo si baaritaanada ka dhanka ah loo soo gabagabeeyo.
Arrintan ayaa timid kaddib markii dacwad oogayaasha ay codsadeen muddo dheeraad oo ay ku soo xaqiijinayaan in qoraallada ay yihiin kuwo rasmi oo ka soo baxay wasaaradda difaaca ee dalka.
Rashid Echesa oo ahaa wasiirkii wasaaradda cayaaraha ee dalka ayuu madaxweyne Uhuru Kenyatta xilka ka qaaday bishii saddexaad ee sannadkii hore xilligaas oo uu isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here