Wasiirkii hore ee cayaaraha oo maxkamadda la soo taagay

Waxaa maanta maxkamadda la soo taagay wasiirkii hore ee wasaaradda cayaaraha , hidaha iyo dhaqanka Mr. Rashid Echesa oo maalmo ka hor la xiray.
Waxaa loo haystaa qandaraas la xiriiray qalabka milatariga oo lagu sheegay mid waxba kama jiraan ah kaasoo ku kacaya 39 bilyan oo shilin.
Maanta ayuu ka soo hormuuqday maxkamadda Milimani si uu uga jawaabo eedeymaha loo soo jeediyay.
Qareenada u doodaya ayaa maxkamadda u sheegay in eedeynta Echesa ay tahay mid siyaasadeysan.
Dacwad oogayaasha ayaa dhankooda doonaya in eedeysanaha xabsiga lagu hayo muddo 21 maalmood ah.
Garsoore Kennedy Cheruiyot ayaa sheegay in waxyaabaha loo haysto wasiirkii hore ee cayaaraha ay yihiin kuwo culus sidaas awgeed uu go’aan bixin doono 2-da duhurnimo.
Mr. Echesa ayaa waxaa lala maxkamadeynayaa Daniel Otieno, Clifford Okoth iyo Kennedy Oyoo.
Eedeymaha waxaa ka mid ah in dokumeentiyo wax laga beddelay , lacag si khiyaano ah lagu qaatay iyo dembi la iska kaashaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here