Wasiirkii hore ee ciyaaraha dalka oo tan ila iyo isniinta xabsiga lagu heyn doona

Ciidamada booliska dalka ayaa loo ogolaaday ila iyo isniinta soo socota ay baaritaano ku sameeyaan wasiirkii ciyaaraha ee dalka Rashid Achesa.
Shalay ayay ahayd markii uu Mr Achesa uu ka soo hormuuqday maxkamada isagoona iska fogeeyay dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay.
Waxaa uuna beeniyay inuu ku lug lahaa qandaraaska lala xiriiray ee dhanka hubka.
Qareenada u doodaya ayaa sidoo kale gaashaanka u daruuray doodda saraakiisha waaxda dacwad soo oogidda ee ah in dokumeentiyada wax laga beddelay laga soo dhex helay baabuurkiisa.
Sido kale qareenada ayaa maxkamadda u sheegay in eedeynta Echesa loo soo jeediyay aynan ahayn mid culus oo sababi karto in maalmo dheeraad ah xabsiga lagu sii hayo si baaritaanada ka dhanka ah loo soo gabagabeeyo.
Arrintan ayaa timid kaddib markii dacwad oogayaasha ay codsadeen muddo dheeraad oo ay ku soo xaqiijinayaan in qoraallada ay yihiin kuwo rasmi oo ka soo baxay wasaaradda difaaca ee dalka.
Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Rshid Echesa oo uu bishii Saddexaad xil ka qaadis ku sameeyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa laba habeen oo dheeraad ah xabsiga ku sii jiri doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here