Wasiirkii maaliyadda ee Isiolo oo is casilay

Wasiirkii dowlad deegaanka Isiolo u qaabilsanaa arrimaha maaliyadda Maxamad Xaaji ayaa iska casilay xilkii uu hayay.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in mas’uulkan uu go’aankaasi qaato.
Warbaahinta maxalliga ee Nation ayaa ku warramaysa in Mr . Xaaji uu gudbiyay warqadda is casilaadda sidaasi awgeedna uu xafiiska banneeyn doono horraanta sannadka cusub.
Tallaabada uu qaaday ayaa ku soo aadaysa iyadoo uu horay isku casilay mas’uulkii uu xilkan kala wareegay Mwenda Thiribi oo cuskaday maamul xumo uu musuqmaasuqa ka mid yahay.
Mr. Xaaji ayaa noqonaya mas’uulkii afaraad ee muddo laba sano gudahood ah is casilo isagoo xil ka haya ismaamulka Isiolo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here