Wasiirkii maaliyadda ee Kisumu oo xilkaqaadis lagu sameeyay

Wakiilada golaha hoose ee ismaamulka Kisumu ayaa ku tallaaba qaaday warbixin loo soo gudbiyay taasi oo lagu soo jeediyay in xafiiska uu banneeyo wasiirka maaliyadda, Nerry Achar.
Guddoomiyaha golahaasi Onyango Oloo ayaa warqad arrinkan ku addan u qoray barasaabka dowlad deegaankaasi Prof. Anyang’ Nyong’o.
Waxaa uu u bandhigay inuu dhaqangeliyo go’aanka 37 ka mid ah wakiilada ismaamulkaasi ay codkoodu ku taagereen in Mr. Achar xilka qaadis lagu sameeyo.
Dacwadda ka dhanka ah wasiirka ayaa waxaa wakiilada hor dhigay Steve Owiti oo laga soo doortay deegaanka hoose ee bariga Kolwa.
Waxaa uu Mr .Achar ku eedeynayaa inuunan waajibaadkiisa sida habboon u gudan , awoodiisa ku takriifalay , dastuurka uu ku xadgudbay sido kalena la yimid habdhaqan xumo.
Mr. Owiti ayaa intaasi ku daray in haddii wasiirku uunan xafiiska banneynin aynan wax wada shaqeyn ah kala dhexeyn doonin golaha hoose ee Kisumu sido kalena aan la tixgelin doonin war waliba oo uu soo saaro.
Mr. Achar oo lagu sheegay inuunan u qalmin inuu hayo xafiiska shacabka loogu adeego ayaa sido kale lagu eedeyay inuu badiyay qiimaha lagu soo iibiyay baabuurka barasaabka oo uuna diiday in la dhaqangeliyo sharci la xariira maaliyadda
Hasa ahaate mas’uulkan la dhaliilayo ayaa maxkamadda ka codsaday amar ay ku hor istaagayso dadaal waliba oo xafiiska looga saarayo ilaa iyo inta laga dhageysanayo labada dhinac .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here