Wasiiro  beeniyeen inay qorsheynayaan MK Ruto dilaan

Saddax wasiir oo ka soo jeedaan gobolka Mount Kenya ayaa manta waxa su’aalo weydiiyay saraakisha waaxda dembi barista ka dib markii laga war helay madaxweyna ku xigeenka William Ruto inay qorsheynayaan inay meshA ka saaraan.
Wasiiradan ayaa waxay kala yihihiin Wasiirka isgaarsinta iyo Tiknolajiyada Joe Mucheru, Mr Peter Munya wasiirka ganacsiga iyo jaaliyada bariga Africa, iyo Sicily Kariuki wasiirada dhalinyarada.
Wasiiradan ayaa waxay iska xaadiriyeen xaruunta dhexe ee waaxda dembi barista DCI ka dib markii Dr.Ruto uu cabashada ku gudbiyay telefaan.
Sida uu sheegay Mr.Munya oo u hadlay labada wasiiro kale, Dr.Ruto ayaa ku eedeynayan wasiirada, xunbo ka tirsan xogayaasha wasaradaha, saraakil hoggamiyaan hay’adaha dowlada iyo xubno kale oo ka tirsan dowalada ay qorsheynayaan inaay dilaan.
Wasir Munya ayaa saxaafada la hadlay,saga oo xaqiijiyay inay kulmeen

 

Qorshaha sida uu Dr.Ruto sheegayo ayaa ah inuusan sanadka 2022-da kala wareegin madaxweyne Uhuru Kenyatta markuu xiligiisa dhmaado.
Mr Munya, Mr Mucheru iyo Ms Kariuki ayaa waxay imaadeen waaxda DCI daqiiqada ka dib 7-dii subaxnimo maadama laga doonaye inay iska xaadirinayaan xarunta,Waxa sido kale loo yeeray xoghaya wasaarado awood leh oo ka soo jeeda gobolka Mt.Kenya.
Kulanka ayaa waxa lagu qabtay hotel La Mada ee wadada Thika Road.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here